Nagu Saabsan
Nagu Saabsan (About Us)
Beecsan Marketplace waa shirkad suuq-geyn online ah oo diiradda saarta taageerida ganacsiyada Soomaaliya iyo guud ahaan ganacsatada Bariga Afrika sidii ay kobcin lahaayeen ganacsigooda Online ka ah iyo joogitaankooda internetka islamarkaana u gaari lahaa macaamiil tira badan oo ka fog.Waxaan fududeynaa iibsiga, iibinta, iyo is-dhexgalka online-ka—taas oo ka dhigaysa baraha dijitaalka kuwo nidaamsan, fudud, la heli karo, xilli kasta. Macaamiishuna waxaan u fududeynaa in hal goob ka helaan adeer walba.
Adeegyadeenna
Waxaan bixinaa adeegyo suuq-geyn dijitaal ah oo kala duwan oo si sahlan ku kulmi karaan macaamiisha iyo ganacsatada Soomaaliyeed. Adeegyadeena waxaa kamid ah:- Mobil App iyo Website si fudud wax lagu kala iibsado
- Suuq-geynta baraha bulshada
- Xayeysiinta online-ka
- Horumarinta sumadda (Brand)
- Abuurista content-ka
- Taageerada website-yada
- Horumarinta istiraatiijiyadda dijitaalka
Ganacsatada waxaan ka caawinaa inay ka gudbaan hababka suuq-geynta aan rasmiga ahayn una gudbaan joogitaan online ah oo sumcad leh oo saameyn leh si ay u kordhiyaan ganacsigooda.